Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa kulan doceed ku yeeshay magaalada Riyaad oo uu ka socdo Shirka Sacuudiga iyo Afrika.
War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Kulan doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad”.
“Labada Madaxweyne oo ka wada halday xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal” ayaa lagu yiri Warka Villa Somalia.