Reading Time: 2 minutes

Iyadoo ay aad u sii qasmeyso siyaasadda dalka ayaa waxaa  Shir saxaafadeed ay  qabatay Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka waxay  ku caddeysay in dalka uu dhibaato ku sii socdo, waxayna diginin adag u direen Madaxdweynaha JFS Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada hadda kula shirsan Muqdisho iyagoo ku boorriyey inay soo saaraan qodobo dalka lagu badbaadinayo.

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo shir saxaafadeedka ka haldlay ayaa toos ula hadlay MW Farmajo isagoo uga dhigay inuu dalka ku wado waddo mugdi ah oo khater keeni karta, sidoo kale Madaxweynihii hore waxaa uu la hadlay shacbiga Somaliyeed oo tilmaamo cad ka sii sida ay wax u socdaan iyo waxa dhaci kara haddii mudda xileedka dowladda hadda jirtaa uu sidaan Mugdiga ah ku dhamaado.

Xasan sheekh oo ay  shir Saxaafadeedka ku weheliyeen Sh. Xasan Sheekh Aden iyo Xil. Cabdulqadir Cosoble  oo labaduba ka tirsan madasha ayaa waxay  ka digeen inaan sidaan wax ku si socon Karin, waxayna aad u dureen sharciyada ay sida isdaba joogga ah u soo saarayaan golihii wasiirada dalka oo aysan jirin cid ay ku matalaan iyo sharciyad ay u haysataan inay sharciyo cusub sameyn karaan maadaama barlamanka uu kala noqday kalsoonidii 25kii Julay 2020.

Madasaha waxay ku sifeeyeen MW Farmajo inuu yahay sidii qof gabar ay kala tageen ilma ka sii dhalaya oo haddana raba inay xalaal noqdaan, maadaama golihii wasiiradda ee la riday ay wali sharciyo soo saarayaan, iyagoo kalsoonidii la isku qabay ay wakiillada shacbiga oo ah barlamanka ay kala noqdeen.

Isku soo duub dhaliilaha ay Madasha soo bandhigtay waxay kala ahaayeen:

  1. In iyadoo muddo xileedkii hay’adaha distuuriga uu dhamaanayo muddo dhow inaan wali la aqoon sida ay ku imanayaan hay’adihii badali lahaa marka uu mudda xileedka ka dhammaado Madaxweynaha iyo Barlamanka labada aqal ee barlamanka, taasina ay keeni karto fowdo baahsan.
  2. Inuu Madaxweynaha dalka kaligiis maamulo maadaama uu eryey RW dalka, Labada aqal ee Barlamnka isku diray, dowladihii Xubnaha ka haa dowladda Federaalkana uu kal dilay welina uu ka shaqeynayo inaysan heshiis.
  3. In ay tahay wax aan horay u dhicin gole wasiirro oo uu barlamankii dalka kalsoonida kala noqday inay u soo qoraan madaxdweynaha dalka wax ay ugu yeeraan shuruuc cusub, isagana uu raalli ku noqdo in distuurka sidaas lagu jeboiyo.
  4. Inay tahay ugub in dalka uu RW la’aado muddo labada bilood oo dhodhow marka laga soo bilaabo waqtigii xurriyadda marka laga reebo xelligii kalitaliska ee Kacaanka, una eg in hadda lagu joogo jidkiisii.

Laakiin dadka siyaadda falanqeeyaa waxaa ay leeyihiin MW Farmajo waxaa uu rabaa inuu qaskan uu kala soo dhexbaxo muddo kardhin, iyadoo loo marayo dariiq kasta oo ay ku suuragaleyso. Sidoo kale waxba kama jiraan ka soo qaadeen dhaliisha iyo hanjabaadda Madasha , waayo guddoomiyaheeda Shariif Sh Axmed ayaa hadda ka hor ku dhaartay magaca Allah inay bixin doonaan dowladda Farmajo iyo Kheyre haddii distuurjebinta sii wadaan, hasa yeeshee halkaas ayaa ugu dambeysay dhaartaas iyo hanjabadaas, tanna waxa loo haystaa inaysan wax ka badal ka la iman Karin, balse la arki doonee.