MW Xasan Sheekh Itoobiya oo Wanaag Rabta Ha keeno ama Xiriirka Ha u jaro!

Reading Time: 4 minutes

Waxaa dalka dhawaan ka dhalatay dowlad hab dimoqraadi ah lagu soo doortay, kadiban la tashiyo badan oo uu RW sameeyey waxaa ka soo baxday dowladda hadda miiska saaran oo sku soo heshay kalsoonida golaha Shacbiga aqlabiyad tii ugu sarreysay 229 Xildhibaan, kadibna waxaa lagu in lagu dhawaaqay barnamijkii uu Madaxdweynaha JF Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doorashadaku galay kaas oo ahaa “ Somali heshii ah dunida heshiis la ah”.

Siyaasadda arrimaha Gudaha

Barnaamijka Somali heshii ah dunida heshiis la ah”ujeedadiisu waxay tahay in dadka soomlaiyeed ee kala irdhoobay la isu keeno si ay danahooda guud uga shaqeeyaan si ay danahooda gaarka ah u gaaraa. Si aan loogu fududaan dhaqangelinta barnaamijka waxaa muddo dheer la waday wadatashiyo ku aadan hay’adda fulinta si ugu yaraan ay bulshada somaliyeed wax ku qeybsata ilaa iyo hadda 4.5 ay iskaga dhex aragto, waana lagu guuleystay oo dhammaan dowladda 4.5 waa u idishahay. Qolo waliba dhexdeed tabsho waa ka jireysaa oo waxa la qeybinayo ayaa tirsan, lakiin miisaanka dowlladu waa 4.5 dhameystiran. 

Hadda waxaa loo soo jeesanayaa in dowladda laga shaqeysiiyo si ay u gudato waajibaadka laga sugayo ee u adeegidda bulshada  somaliyeed.

Maamul Goboleedyada 

Maamul goboleedyada waxay u muhiim u yihiin jiritaanka nidamka federaalka ee ah ee dalku qaatay waxayna xubin lama dhaafaan ah ka yihiin dowlad dhiska dalka. Awoodaha dowladaha waa herar kala hooseeya oo u baahan in qolo wliba halkeeda lagu ixtiraamo , lagulana xisabtammo walow ay jiraan masuuliyado gudbaya oo labada dhinac u kala tallaabaya sida tan daryeelka dalka guud aahaan oo cid waliba waxaa ka saaran masuliyad in la wada ilaaliyo bedqabka guud ee dadka iyo dalka oo dhan. 

Madaxweynaha isla markii la doortay waxaa u tagay K/Galbeed iyo Galmudug oo iyagu  ahaa kuwa aad uga soo horjeeday in dowladdii hore ay Meesha ka baxdo, kuwaas oo aminsanaa inaysan ka dambeyneyn hasa yeeshee MW Xasan waxaa uu u soo sheegay inaysan marnaba ku xerneyd dowladdii tagtay ee loo baahan yahay in la yeeshaan dowladdaan wada shaqeyn dhab ah iyo iskaashi ku dhisan is xurmeyn iyo kala dambeyn ku dhisan distuurka dalka.

Siyaasadda Dibadda 

Barnaamia qeybtiisa ah… dunidana heshiis la ah, waxaa durbaba la qaaday tallaabooyin waaweyn oo lagu soo celiyey dhamaan xiriiradii wiiqmay ee dalka 5tii sano ee tagtay waxaana uu madaxweynaha sameeyey safarro ilaa 7 dal oo ay waddamada deriska ah ku jiraan, waxaana laga gaaray guulo waaweyn oo dalka waxaa loo soo celiyey dhamaan qiimahisii iyo qaddarintiisii.

Hasa yeeshee waxaa weli halkeedii taagan dowladda Itoobiya aynu nahay deris si fiican u wada noolaan kara oo aad isugu baahan, waxaasa muuqada inay weli jraan caqabado u baahan inay Itoobiya ka korto, kuwaas oo ah inaan col u nahay Itoobiya. Itoobiya annaga ma dooran inay deris noo noqoto shacbigeedana dad xun maaha laakiin waxaa mar waliba talada ay ka hoos baxdaa madaxda Itoobiya oo garan la’ inaysan iyaguna nasaneyn haddii dersikooa gubanayo. Tusaale Shabaab oo loo midoobaa waxay dhameyn kartaa dhibaatooyinkooda, taasina waa mid ay dani ugu jirto labada dalba. Laga yaabe kooxo ka mid ah dowladda Itoobiyaoo dan u arka inau shabaab sii jiraan inay jiraan sida kooxo dowladdeenna ku jira oo raba inay shabaab sii jiraan ay u jiraan. Laakiin hoggaanka labada dal waxay dan ugu jirtaa inaan wada shaqeyno oo aan shabab ciribtirro.

Caqabadaha jira.

Waxaa caqabado ka jiraan waa dhinaca Itoobiya oo iyadaba  hadda u muuqata in ay qabto dhibatooyin gudaheeda iyo dowladnimadeeda hareynaya, taas oo keentay inay ka aloosmaan dagaallo sokeeyey oo u dhaxeeya Tigraay iyo dowladda federaalka Itoobiya, oromada iyo Amxaarada oo si ba’an isu laynaya, Sudaan oo dhul dib uga qabsatay, Shabaab oo hadda bilabay inay weerarro ku qaadaan gudaha itoobiya iyadoo dalkeenna joogaan ciidamo Itoobiyan ah. 

Dadka Somaliyeed oo aan weydiinnay aragtida ay Itoobiya ka qabaan xelligaan waxay noo sheegeen inay haboon tahay in Itoobiya ciidankeeda dalka laga saaro nooc kasta oo ay ku joogaan. Waxayna jeclaan lahaayeen inay Somaliya iyo Itoobiya noqdaan laba dal oo deris ah oo aan usku xadgudbin. Dadka waxay aad uga xun yihiin inay maalinba maamul goboleedyada dalka oo markii siyaasad yar la isku qabsada ay midba mar u yeerato ama inatay u tagto la soo hadasho iyadoon wax fasax ah ka haysan Dowladda Somaliya.

Dowladda Somaliya marna ma rabto inay TPLF ama OLF la ha soo hadasho oo ay tagto Maqalle ama Bahir Dar iyada oo aysan Madaxda Itoobiya la socon, laakiin haddii xaalku sidaan sii ahaado waxay u egtahay in hogaamiyayaasha Somalia ay shacbiga ku khasbi doonaan in la qaado tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa ayuu oday waayeel ah oo ka careysan warkii Mustafe  Cagjar Iyo Lafatgareen oo Ła laafyoona Jigjiga nagu yiri.

Shacabku waxay qabaan inuu dhamaaday xelligii ay Farmajo dayuurad ku qaadan jireen sidii maxbuus oo ay dal kale la aadi jireen ama  ay dharkooda dhaqanka u xeri jireen sidii inuu aroos yahay oo kale.

Somaliya si kasata oo ay u tabardaran tahay waa iskaga filan tahay Itoobiya , mana ma aha dal loo yeerin karo waxii ay Itoobiya  rabto balse waxay mar waliba xushmeneysay daresnimada iyo degaanka isasa saaran. 

Tira badan oo shacbiga ah waxay qabaan in MW Xasan Sheekh laga rabo inuu Itoobiya madaxdeeda runta u sheego, una cadeeyo inay joojiso fargelinta ay Maamullada dalka ku sameyneyso, ciidankeeda oo gudaha Somaliya iska soo galaya waxaana laga rabaa inay xushmeyso dowladnimda Somaliya. Ma tagi karto hal magaalo oo dalka ah, mana ka sii mid ahaan karto Ciidanka ATMIS maadaama ay tahay dalka danteeda ku dhex qarisa hawlaha Caalamiga ee ATMIS u xilsaaran tahay.

Sidoo kale waxaa aad looga caroday ka fiirsixumada ka soo yeertay ninka Bar ka Somaliga ah ee Mustafe Cagjar oo yiri waxaa qabsaneynaa qeyb ka mid ah Somaliya, waxaasa ka sii daran ninkii ay erayadaas ka soo yeereen inaysan dowladda Itoobiya wax raalligelin ah ka bixinin.

Doqonimo waxay ku soo dhamaatay Laftagareen oo ah facaatuug u arka inuu Mustafahii shalay lahaa Gedo, Bakool iyo Hiiraan ayaan qabsaneynaa inuu maanta hoos fadhiyo sida inuu kursiga ku hayn karao. Laftagareen cidda kaliya ee kursiga kugu hayn kartaa waa dadka Suusuuban ee ree rK/Galbeed ee maaha Itoobiya iyo Midka bar ka Somali ah ee Mustafe, qas waa sameyn karaan laakiin Somaliya wey ka guuleysan waxaas oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh laba isagaa laga rabaa:

1.     Inuu Xal dhab ah ka keeno Itoobiya oo ay si Sharaf iyo walaalnimo kujirta noola dhaqanto noolana noolaato, ixtiraamto dowladnimadeenna oo joojiso waxkasta oo Faragelin ah, PM ayey magu haysan waysay aragti gurracan iyo kala qeybin naguma haysan karto.

2.     Haddii taa lawaayo waa Inuu dalka ka saaraa nooc kasta oo ay ku joogaan ciidamada Itoobiya, xiriirkana u jaro.

Qofkastow isweydii Itoobiya Ma ku saxan tahay inay bilowdo Tallaabooyin Xumeynaya Xiiriirkeeda Somaliya? Masa looga aamusi doonaa hadda ka dib?