MW Xasan Sheekh Asmara ayuu Jiraa ee Beytul Qudus ma Jiro.

Reading Time: 2 minutes

CBB ayaa waxay ku waalatay in MW Xasan sheekh uu booqday ama uu booqanayo magaalada Barakeysan ee Qudus. MW Xasan Sheekh  saacadaan la sheegayaa inuu la joogo ciidankii dhallinyarada ah ee loo qaaday dalka Erateriya, kuwaas oo ku sugan meel bannaanka ah magalada caasimadda ee Asmara.

Beenta CBB waxaa ka mid ah in markii uu Imaardka joogay inay noo sheegeen inuu jiro Magaalada Barakeysan ee Qudus, waxayna noqotay been cad. Waxay noo sheegeen inuu Dhintay, waxay noqotay been cad, waxayna noo sheegeen inuu Turkiga ku xanuusan yahay, waxay noqotay been cad, waxaana labada dalba loogu soo dhoweeyey si aan weligeed MW Somaaliyeeed loogu soo dhoweyn.

Maanata waa isla tii oo kale oo ma jiro Beytul Qudus ee waxaa uu joogaa shaah casiriya ah la cabbaayaa dhaalinyardii mugdiga lagu tuuray oo uu rabo inuu iftiinka keeno.

Dhinaca kale, haddii dalalka Carabta ay xiriir toos ah iyo mid dedban la leeyihiin dalka Isra’iil ma jirto sabab ay CBB ugu cabaaddo MW Xasan sheekh iyo ayaa la kulmay madax Isra’iili ah, inkasta oo uusan la kumin, taginna Isra’iil.

Dalalkan hoos ku qoran waa waddamada ugu sameynta badan jamaccada carabta qaarkoodna waa waddamada ugu dhaqaalaha iyo awoodda badan waxayna la leeyihiin Isra’iil xiriirro heerar kala duwan leh.

Waddamada Sacudiga, Imaaraadka, Masaarida, Urdun, Cuman, Marooco, Baxreyn iyo Dalka Sudan ayaa waxay isra’il la leeyihiin xiriiro kala heer ah, waxaana ka dhaxeeya macaamil ay u arkeen inay dalalkooda dani ugu jirto isla markaana wax looga qaban kaaro qaddiyada reer Falastiin oo ah dad carbeed oo ay dhalsho, dhaqan iyo diinba ay wadaagaan waddamadaan.

Haddaba kooxda CBB oo aan marnaba dalka wax dan ahi ka gelin balsa daba jooga indho la’aan Fahad iyo Farmajo ayaa mar waliba waxay la soo boodaan Xasan Sheekh ayaa Isra’iil tagay ama la kulmay madaxda Isra’il. MW Xasan Sheekh iyo RW Xamza waxaa laga rabaa inay iyagu jeexaan siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkeenna lana kulmaan oo la macaamilaan cid kasta oo ay danta dadka Somaliyeed ku jirto, iyadoo ilaashaneysa danaheeda.

MW Xasan sheekh saacaan aan qoraalkaan qoreyno waxay wada joogaan dhaalinyaradii ciidamada ahaa ee sida dhuulaameysiga, sirta iyo marin habaabinta ku jirto loo geeyey dalka Erateriya, waanaa guul weyn oo  ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyey markii uu isu soo taagayey mar labaad hooggaanka dalka, kaas uu qabtay goor aad loogu baahnaa.

Isku soo duub haddii uu booqasho ku tagayo Isra’iil ma noqoneyso ashuun ku addin iyo qarin ee waxay noqonee mid la wada og yahay  oo aan dhuumasho ahayn.

Kooxda CBB dalka ha u soo noqdaan intii ay dembi dalka ka gali kareen waa ka galeen waana ku filan tahay waqti ay ku cibra qaataan in ay khalad ahayd wixii ay shacbiga ku marin habaabinayeen iyagoo lahaa Aaabbe Farmajo sidii Aabbe siyaad.