Madaxwaynaha JFS Mud. Xasan Sheekh Maxamud aya maanta qaatay shahaadada sare ee culuumta Nabadda ee PhD, Maamulka iyo Horumarka ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.
“Allaa Mahad leh 30-kii sano ee aan ka soo shaqeynayey arrimaha waxbarashada dalkeennna waxa aan ka bartay in dib-u-dhiska dowladnimadeenna iyo horumarkeenna ay aas-aas u tahay waxbarashadu, sidaas awgeed, waxaa naga go’an in aan dadaal ku bixinno hirgelinta waxbarasho tayo leh iyo fududeynta addeegyada la xiriira waxbarashada aas-aasiga ah” ayuu yiri, MW Xasan Sheikh.
Hassan Sheikh oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, go’aanka dowladda ee ku aaddan in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare laga dhaafo lacagta qaadashada shahaadada, iyadoo miisaaniyadda dowladda aan ka maalgelinayno arrintaas, si loo xaqiijiyo xuquuqdan aas-aasiga ah ee ay leeyihiin ubadkeenna Soomaaliyeed.
Ugu danbayn waxa uu u mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey waxa uuna bogaadiyay Jaamacadaha gudaha dalka kobaca ay sameeyeen, kulana dardaarmay in ay waxbarashada heerka sare ay la kaashaadaan dhiggooda ka tilmaaman caalamka.