MW Xasan “Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen”

Reading Time: < 1 minute
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay bannaan-baxa bulshada Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-Shabaab

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey gabagabada isu-soo-baxan ayaa waxa uu ka sheekeeyay “gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed”.

Qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo “gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor

“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabbur

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey: “Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay”.

Duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen ayuu si gaar ah isu-dul-taagay.

Bulshada ku dhaqan magaala madaxda Soomaaliya ayuu ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Alshabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuuma