MW Xasan Sh. Maxamuud oo Safar shaqo oo Xog Wareysi ah Iyo U kuurgal ku Aadaya Bayadhabo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo safaro kala duwan oo uu kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Ilo wareedyo Madaxtooyada ku dhow ayaa laga hela in Madaxweyne Xasan uu berri booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia.

Waxaa maanta magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.

Wafdigaan maanta gaaray Baydhaba ayaa hordhac u ah booqashada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu berri ku tago Baydhaba.

Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore dalka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaadi doono wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Runtii waa calaamad wanaagsan in MW cusub isagoo joogay Xafiiska laba todobaad inuu durababa bilaabay inuu dadka Somaliyeed isu doono, iyo In uu indhihiisa ku soo arko xaaladda abaaraha Iyo Dhibaatooyinka ka jira dalka meelo ka mid ah.

Hogaamiyaha dhabta ahi waa kan og dadkiisa wixii ay Xalay ku baryeen, waana la gu sucdaa jidkeedii waxayna MOL rajeyneysaa inaan laga leexan.