Marka ay garshadaada ka gudbi la’adahay qabiil si kasta oo aad jaakad iyo qoorxer (tie) u qaadatid waa nasiib darro weyn oo maanta dad badan oo la filayey inay wax ka barteen aysan ka baran intii ay dowlad ku jireen ama ka agdhowaayeen.
Waxaa la arkaa kuwa badan oo aqoonyahanno ama siyaasiyiin isku sheegaya oo RW Xamaza ku dhaliilayo doorka hogaamineed ee uu golaha wasiirada iyo xukuumadda ku hogaamiyo. Oday Xaafaddanada ka caan ah oo qabiilka uu aad ula weyn yahay oo reer aan hadal la cabsan ah ayaa yiri “Xamza maalinta aan go’aan ku gaaray inuu yahay shakhsi Sharaf iyo iimaan leh waxay ahayd mar uu hadlayey oo uu yiri Siyaasdda anigu waxaan ugu jiraa inaan ku cibaadeysto oo Rabbi ugu dhawaado Cid kale oo aan wax ka dhageysanyaa ma jirto”
Taarkiihda isku dhaca RW yo Madaxweyne waxay noo noqotay inaan ku faanno oo labadii aan sameyn ama kii aan sameyn aynu dacaayad la daba joogno.
Dwladaan dhaliilaheeda waa leedahay hasa yeeshee weli lama arag dowlad 10 bilood ku qabatay inta ay qabatay iyo guulaha ay gaartay kuwaas oo dhammaantood dalkaan dhaxal muuqda u ah.
Guulahaas lama gaareen haddii RW Xamza uusan golaha wasiiradda iyo xukuumadda ku hogaamin lahayn hab dhaqan wanaagsan ee goolkiisu yahay in shacbiga dulman waxaa loo qabto.
Haddii ragga na hogaaminayaa ay kala furtaan ama midba goonni u jiido way kala go’eysaa oo waa jilcan tahay jamhuuriyaddaan.
Maxa wanaagsan ee la qabtay?
- Wada shaqeynta iyo isla qabashada hawlaha hortabinta leh ee MW iyo RW waa guul weyn oo ay gaareen labada hogaamiye iyo sidoo kale Ilaalinta iyo dhiirregelinta wada shaqeynta labada aqal iyo xukuumada.
- Wada shaqeenta dowlada dhexe iyo maamul gobaleeyada oo heerkii ugu wanaagsanaa mareyso- ogow turxaan waa jireysaa oo waa noole damacna uu ku dhexjiro, laakiin waxay Xasan iyo Xamza (XX) ku wadaan dalka talo wadaag iyo sidee ay kula tahay iyagoo garab ka helaya dhammaan masuuliyiinta dalka.
- Ansixinta Shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah dowlad dhiska iyo ku soo dabaalidda dalka inuu noqdo dal uu sharcigu sarreeyo.
- Dardargelinta Hannaanka deyn cafinta oo hadda gabagabo maraya
- Hawada Soomaaliya Oo Noqotay Guruup (A), waa guul weyn.
- Xalinta murankii ka jiray K/Galbeed kaas oo dowladda xoogga saartay inuu nabad ku dhamaado si looga gaaro hadaf aan marnaba dhiig walaal lagu daadineyn.
- Wasaaradda Waxbarashada oo hadda Qaadaneysa 3000 oo Macalin, si tacliinta dalka kor loogu qaado si loogu diyaariyo dhallinyardeenna inay ka qeyb qaatan horumarka degdega ah ee uu dalku ku socdo.
- Waxaa la soo celiyey ciidankii la la’aa muddo ee ku maqnaa dalka Erateriya
- Dagaalka Shabaab oo runtii meel wanaagsan maraya kaas oo hadda u wareegaya gobolada Koofureed.
- Mideynta culimada Somaliyeed markii ugu horreysay taariikh ay kooxo diimeeyada isdiidan ka soo wada muuqdeen minbar oo duco iyo haddallo shacbigu ku diirsaday ka yiraahdeen.
Siyassada Arrimaha Dibadda
Dalka waxaa laga saaray xeydaabkii siyaasadeed oo ay dowladdii hore gelisay waxaanu hadda joogaa heer uu yahay dal ay madax badani shirar ugu qeyb gali karaan iyadoo ururro caalami iyo kuwa goboleedba leh uu dalku ku biirayo.
Intaan kuma koobna guulaha oo wax badan ayaa la sheegi karaa laakiin dalka wuxuu ku socdaa jiha wanaagsan, mana aha ina maqallo kuwa ka been sheegaya xaaladda dalka. Dhaliillo waa jiraan waana in la saxaa kuwa jira loona diyaargaroobaa kuwa iman doona.
Haddaba dadka korsan ee maamulka iyo stratejiyada aqoonta u leh waxaa jirta su’aal ay mar waliba ka dhaqaaqaan si loo xisaabtammao cabarna loo helo taas oo ah sideen halkaan ku nimid?
Sidee 10 bilood oo kaliya dowladda heerkaan ku soo gaartay?
Waxaa dhab in hogaaminta ay doorweyn ku lahayd sababta loo awooday in waxyaabo badan lagu qabto waqti kooban, waana halka uu dal ka burburo ama ka kaco.
MW Xasan Sheekh, RW Xamsa Cabdi, Gudoomiye Aden Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi waxay muujiyeen in dalka muran la’aan horay in loo wadaa ay fududahay. Sidoo kale waxaa iyagana dadaal weyn muujiyey hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada oo wax waliba oo la isku haysto miis kula xallinayey madaxda saree e dalka.
Haddaba qofka maanta rabaa inuu RW Xamsa qabiileeyo, ka hor keeno intaas, kana dhiga shkhsi uu isaga damiyo ama daaro waa ku lunsan yahay . Xamsa siyaasadda waxaa uu ugu jiraa inuu ku cibaadeysto oo uu noqdo RW ugu horreyey ee Rabbi dartiis ugu jira siyaasadda.
Ma jiro qabiil wada faraxsan iyo mid wada careysan mana jirayaan oo xaallada kowniga ah ayeyba ka horjeeddaa. Marka kan qabiil rabaa inuu ku kiciyo dadkiisa waxaa u roon inuu ki kiciyo qaran kaas oo wada deeqa dadka oo dhan.
Xasan Sheekh lagauma eedeyn qabiil weligiis, Xamsana waa la mid, dhaliillo waa leeyihiin oo waa aadane si wax u arka, hasa yeeshee labadoodaba midkoodna maanta uma soo jeedo inuu kar qabiil maro ee qofka la ordaya qoriga dabka lahow ka joog, sidaas ayaa adiga ma garatid manatee ku dan ah, Somalina u dan ah.
https://fb.watch/jeE315xKgJ/?mibextid=1YhcI9R