Madaxweynaha Dowlad Goboleed Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Guyo ayaa maanta kulan gaar ah ku qaatay Magaalada Muqdisho.
Kulankii maanta ayaa Madaxweynaha iyo Wakiilka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa kawada hadlay xaalada Galmudug Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay Wakiilka Galmudug marxalada ay hada ku sugantahay iyo waxyaabaha u qabsoomay Mudada uu joogo waxa uu sheegay in Guulo badan la gaaray oo ay ugu horeyso nabada.
Wakiilka ayaa bogaadiyay dadaalada uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug iyo Horumarka uu Gaarsiiyay Galmudug iyo sida uu u balaariyay Maamulkiisa oo uu kusoo daray Maamulkii Ahlus-suna.
Waxa uu balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan arimaha dib u hishiinta ee uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay si dhawna kala shaqeyn doonaan sidii Galmudug loo hormarin lahaa.
IGAD ayaa horay uga soo shaqeeysay shirkii lagu dhaxdhaxaadiyay Al Sunna iyo Xaaf.