MW Xaaf oo ku wareejiyay Kheyre & Farmaajo Bom Gacmeed ku qarxi doono

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku sheegay in uu dowlada Fedaraalka ku wereejiyay arimaha dib u heshiisiinta iyo qabanqaabada doorashooyinka Galmudug.

Qoraalka Xaaf qoray ayaa ay ka muuqatay in uu ahaa mid lagu qasbay in uu qoro inta uu Xasan Kheyre joogo magalaada Dhusamareeb. Qoraalka ayaa sidoo kale yimid ka dib markii Xaaf lagu wareejiyay lacag hordhac ahayd oo horay looga balan qaaday in la siin doono. Lacagta ayaa isugu jirta mid uu sheegay in lagu leeyahay oo ay tahay deyn iyo mid isaga loo siin doono sagootis ahaan.

MW Xaaf oo kulan la qaatay odoyaasha ka soo jeeda beesha Sacad inta uusan soo saarin qoraalka ayaa u sheegay in uu go’aan ka gaaray arimaha Galmudug isla markaana balaayadeeda uu iska xawilayo. Xaaf ayaa yiri “.. Adeeryaalo aniga ayaa idinka aqaan Galmudug, waxaan ogahay balayaada ka soo soocoto degaankaas iyo fashilka ay ku danbeeyn doonto, taas ayaana keentay in aan iska xawliyo balaayada , balaayo lama haysto”.

Xaaf ayaa ay ugula muuqatay In uu iska fogeeyo fashilka ka soo socda degaankaas islamarkaana uusan isagu doonaynin ii mas’uuliyadeeda uu qaado. Xaaf ayaa yiri “ … Walaahaaan wiilka madaxa dheere ee aad moodo qof waalan uusan siin doonin Koxda Sufa aniga waxaan siiyay..anigana sida ay ii galeen waad aragtaan”. Waxa uu intaas kudaray “mindhaa wanaag baa ku jira in balaayo lagu daweeyo balaayo kale… hadii Kheyre iyo Farmaajo qayanaan Kooxda Sufa oo ay sida ay ii balan qaadeen ay Kooxda Al Sunna god ku soo ridaan…. hade waa macquul in Galmugug isku toosto laakiin inta qoyska reer Macalin Maxamuud talo ku leeyihiin Galmudg, wanaag haba ka sugin Galmudug”.

Xaaf ayaa u muuqda in uu Kheyre iyo Farmaajo uu gacanta u galiyay BOM Gacmeed ku qarxi doona isagana uu iska beri yeelay. In dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha degan Galmudug waqti ayaa ay qaadan doontaa waaba hadii la heshiisiiyo. Dhanka kale waa ay adkaan doontaa in Farmaajo uu ka dhigto Galmudug sidii Koonfur Galbeed, hadii uu taas ku fakarayana waxa uusan aqoon reer Galmudug.