Daawo Video: MW Xaaf oo ku tilmaamay qoraalada ka soo baxaya DFS kuwa lagu doonayo in colaad looga abuuro Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboeedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo maanta ku soo noqday magalaada Dhusamareeb ayaa  shir jaraa’id uu  ku qabtay maanta Dhuusamareeb ku timaamay qoraalada ka soo baxaya DFS kuwa lagu doonayo in colaad looga abuuro Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa  ku sheegay  xadgudub qoraaladii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kasoo baxday ee looga hadlay doorashada Galmudug iyo mudada xilheynta Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne  Xaaf oo dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb kadib safar uu ugaga maqnaa dalka dibadiisa ayaa shirkiisa jaraa’id ugaga hadlay arrimo dhinacyo kala duwan taabanaya isagoo ku eedeeyay dowlada federalka inay farogelin ku hayso maamulkiisa.

“Howsheenu ha ahaato aan is difaacno,Howsheenu ha ahaato aan is ilaalino,Howsheenu ha ahaato aan isku tashano,dhamaan xildhibaano iyo wasiiro waxan u baahanahay in aan si deg-deg ah isugu imaano oo aan aayaheena ka tashano,”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii ka dhacay Koofurta Gaalkacyo isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa mid siyaasad ay ka dambeysay isagoo sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=BUAWN4Nv_30[/embedyt]