MW Xaaf oo ka soo horjeestay Shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo Madaxda Galmudug(Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Shir deg deg ah uu isugu yeeray Madaxda Maamulkaasi Madaxweyne Mohamed Cabdullahi Farmaajo  kaasi oo la sheegay ino ka dhacayo Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle Xaaf  ayaa lagu sheegay inay baraha Bulshada ay ku arakeen warar sheegaya in uu Madaxweyne Farmaajo shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedka Galmudug.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay inaysan jirin Madax Galmudug ah oo is qilaafsan sidookale Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya inay iyadu masuul ka tahay waxyaabaha ka dhacaya deegana Galmudug faragalin qaawana ay ku heyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka Aqriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Galmudug