Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la Galabta la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Kulanka ayaa ka dhacay aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay kawada hadleen dardar gelinta dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa isla maaanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga oo ka maqnaa muddo sanad iyo dhowr bilood ah.
Xubno katirsan Dowladda Federaalka ayaa Madaxweyne Xaaf kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Soomaalida ay u baahan tahay dib u heshiisiin, waxyaabaha uu u yimid Muqdisho waxa uu ku tilmaamay in Madaxda Dowladda uu kala hadlayo Xaaladda Dalka.
Maalmo kahor waxa uu Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud heshiis kula galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Galmudug ku sugan, waxaana xaaf uu diidaa doorashada Maamulkaas oo la qabto bisha July, inkasta oo uu markii dambe ogolaaday.
Hadal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ay kawada hadleen dib u heshiisiinta Galmudug iyo Doorashooyinka.