Kulankii maqaarsaarka ahaa ee shalay loogu dabaaldagaayay doorashadii aan xaalasha ahayd ee ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa si aan gabasho lahayn loogu bahdilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Aware.
Sida aad ka arkeysaan Video ku lifaaqan qoraalkaan MW Farmaajo ayaa markii uu soo gaaray goobtii ay ka dhaceysay caleemasaarka waxa uu salaamay wafdii ka socday Dowlad Goboleedka Puntland iyoMaxamed Carabeey oo sheegtay in uu ka socdo Galmudug halka uu diiday in uu salaamo Maxamed Cabdi Waare oo ganta u taagay.
Waare ayaa ahaa shaqsigii ka danbeeyay burburinta iyo kala dirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda isaga oo ku badashay lacag. Ficilkii uu shalay MW Farmaajo kula kacay MW Waare waxa ay cadeeyn u ahayd sida ay uga go’an tahay MW Farmaajo in uu si toos ah ula dagaalo deeganaada Galmudug iyo Hirshabeele iyo shacabkooda.
Dhowr bilood ka hor ayaa ay ahayd markii uu MW Waare uu u sheegay dowlada Farmaajo in uu tusi doono dowladiisa in “Galmudug iyo Hishabeele yihiin Ari ama Libaax”.
Maxamed Dhaqane Yaroow oo ka mida dadka ku dhaqan Magaalada Baleweyne ayaa yiri “ Maxamed Cabdi Waare anagana sharafteynii ayuu ku ciyaaray tiisiina lacag ayuu ku badashay, shalayna waxa uu isku cadeeyay in uu yahay arigii uu horay ugu sifiyaya dadka reer Hirshabeelle”.
Halkaanka daawo Video