MW Waare oo  hadda kulan qaasa kula jira Safiirka Qatar ee Somaliya? Maxaa soo kordhay?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa galabta 3:30 kulan uu soo qaban qaabiyay Fahad Yaasin uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare la leeyahay Safiirka dowadda Qatar  u fadhiya dalka Somaliya. Kulankaan ayaa daba socda kulankii uu safiir Hassan Hamza Asad Hashem la qaatay MW Waare labo cesho ka hor kaas oo lagu go’aamiyay in uu ka baxo Ururka Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda . Dowladda Qatar ayaa daneynaysa Dekaddaha Deegaanka Hirshabelle islamarkaana doonaysa in ay dagaal siyaasadeed ku qaado danaha Dowladaha  Imaraadka iyo Sacuudiga ka leeyihiin Somaliya.  Sida MOL ay ku heshay warar hoose, MW Waare aya la filayaa in uu MW Farmaajo ku wehliyo safar uu dhawaan ku tagi doono dalka Qatar. Dowladda Qatar ayaa balan qaaday in MW Waare ay si shaqi ah u siin doono lacag gaaraysa $500,000 oo kun bilkastaa oo la soo marin doono safaaradda Qatar ku leedahay Somaliya. Waxaa muuqata in Dowladda Fedaraalka ay istcimaalayso awood wadamo shisheeye si ay u  burburiso mamulka Dowlad Goboleedyadda.