MW Waare oo damac uga jiro in uu dib ugu noqdo Golaha Iskaashiga DG? Fartiina uu u diray Madaxda Dowlad Goboleedka

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare warmurtiyeed  uu uga cabanayo go’aanadda gaarka ah oo ay gaareen Madaxda Dowlad Goboleedka. Marmurtiyeedkan ayuu Madaxweyne Waare ku sheegay  in ay qalad ahayd in Madaxda Dowlad Gobleedka ay magacaabaan afhayeen u hadla  Galaha iyada oo aan lagala tashan  DG Hirshabeele.  MW Waxa uu yiri “Go’aan qaadashada Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu waa in uu isku raacid taam ah ku yimaadaa”.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda Somaliya ayaa aad ula yaabay qoraalka is burunaayo ee uu soo saaray MD Waare. Marna waxa uu ku sheegaya qoraalka in uu ka baxay Golaha mar kalana waxa uu sheegayaa in ay ahayd in talada laga qeyb galiyo.  Sidee talo looga qayb galinayaa  shaasi ka baxa Golaha? Maxaa ka qalday MW Waare?.

Mid ka mida madaxda Dowlad goboleedyadda ayaa yiri  “Hirshabeele waa qeyb ka mida Golaha, muhimna u ah jiritaanka Golaha Iskaashiga DG, cid ka saartayna ma jirto, laakiin MW Waare isaga ayaa ka baxay hogaanka Golaha”. Waxa uu intaasi ku daray “ hadii uu doonayo in uu dib ugu soo noqdo  Golaha waa in uu soo maraa qaabka sharciga ah ee uu dib ugu soo noqon karo”.

Madaxweyne Waare ayaa u muuqda mid ay albaabada ay ka soo xirteen Madaxda Golaha Iskaashiga DG isaga oo aan wali wax kalsooni ah ku qabin Dowlada Fedaraalka. Sideese bayse  suuragal ku tahay in Dowladda Fedaraalka ay aaminto shaqsi wali damac uga ciro in uu dib ugu laabto Golaha Iskaashiga.