MW Uhuru Kenyatta oo maanta marka kale ku celiyay in ciidanka Kenya ayan Somalia ka bixi doonin

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay bishii Nofeembar 12keedii ay wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay wada saxiixdeen heshiis isbahaysi sadax geesood ah  kaas oo fasax u siiynaya wadamada Itoobiya iyo Eritereeya in ay ciidan cusub keenaan Soomaaliya aya waxa isa soo taraya dareenka ay ka qabaan  wadamada ay ciidamada horay uga joogeen Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maanta la hadlay ciidankiisa ayaa sheegay in Kenya ayan ka soo bixi doonin Soomaaliya ilaa ay gaarto ujeedadeeda siyaasadeed iyo mid amni. Hadalakaas ayaa waxa uu u muuqdaa in aydalka Kenya go’aansaday in ay Soomaaliya sii joogto iyada oo aan wax fasax ah ka rabin dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa isku soo dhawaaday wadamada Kenya iyo Uganda iyaga o oo ka soo horjeeda siyaasada aan laga fiirsan ee uu madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaqay.

Soomaaliya ayaa  lugaha la gashay siyaasad khatar ku ahaan doonto danaha fog ee Soomaaliya ka leedahay Geeska Afrika iyo  guud ahaan Africa. Qubbadii maanta ee Uhuru Kenyatta ayaa fartiin cad u dirtay madaxweyne Farmaajo waaba hadiiba uu faham siyaasadeed leeyahay.