MW Uganda oo magacaabay MW ku xigeen iyo Ra’iisul Wasaare cusub

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Museveni ayaa Uganda Yuweri Museveni ayaa magacaabay golihiisa wasiirada isagoo madaxweyne ku xigeenkiisa iyo ra’iisul wasaaraha dalka ka dhigey dumar. Madaxweyne ku xigeenka Uganda ayaa loo magacaabay Jessica Alupo halka ra’iisul wasaare loogu magacaabay Robinah Nabajja.

Haweeneyda loo magacaabay Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka mid ahayd saraakiisha ciidamada dalka Uganda iyadoo xilal kala duwan ka soo qabatay dalkeeda. Alupo waa siyaasi, sarkaal hore oo militariga iyo aqoonyahan ku dhashay 1974 degmada Katakwi. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Uganda Robinah Nabajja ayaa waxaa ay hore u soo noqtay Wasiiru dowlaha wasaarada caafimaadka dalka Uganda.

madaxweynaha uganda oo magacaabay madaxweyne ku xigeen iyo ra'iisul wasaare cusubmadaxweynaha uganda oo magacaabay madaxweyne ku xigeen iyo ra'iisul wasaare cusub