MW Trump oo caabuqa corona virus ku tilmaamay weerar lagu soo qaaday Mareykanka

Reading Time: < 1 minute

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in caabuqa saf-mareenka ah ee Karona uu yahay weerarkii ugu xumaa ee lagusoo qaado dalkiisa. Isagoona weerarkaasi ula jeeday in uu kusoo qaaday Shiinaha.

Trump ayaa sheegay in weerarka Covid-19 uu ka daranyahay kii Mareykanka uu ku qaaday Japan dagaalkii labaad ee dunida iyo kii daarihii mataanaha Mareykanka lagusoo qaaday 11’kii September.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa sidoo kale goor sii horeesay sheegay in cudurkan uu kasoo baxsaday mid kamid ah sheebaarada Shiinaha.

Balse Beijing ayaa eedeemaha Mareykanka ku tilmaamtay kuwo aanan waxba kajirin.