MW Somaliland oo u safray dalka Sacudiga, kuna safray Basaboorka Somaliland

Reading Time: 3 minutes
Madaxweynaha Jamhuuriyadda  la magac baxaday Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaaern oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Soomaaliya. Wafidaga ,  ayaa u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Sida ay noo xaqiijiyeen madaxtooyada Somaliland, Madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah ee wehelinaya, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Arabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, waxana ku dhoofeen Baasaboorka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay dalka Sucuudigu usoo direen.

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal u dhexeeya.

Sida MOL shalay idinkuugu soo gudbisay, Madaxweyne Muse ayaa codsaday in lagu casuumo baasaboorka Somaliland iyo waliba dhamaan tasiilaadka la socda. Waa markii ugu horeeysay oo ay dowlada  Sacuudiga ay si rasmi ah u martiqaado Madaxweynaha Somaliland isaga oo ku safraya Baasaboor Somaliland ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lumiyay karaamadii iyo sharafkii ay dowlada Khaliijka u hayeen dalka Soomaaliya, taas ayaana keentay in Dowlada Somaliland ay hesho karaamo iyo soo dhayn keeni doonta in mustaqablka dhawa  si toos ah loo aqoonsado Somaliland.

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, waxana sii sagootiyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Image may contain: 5 people, people sitting, beard, wedding and indoor

Image may contain: 1 person, indoor
Image may contain: one or more people, people standing, child, sky and outdoor
Image may contain: 1 person, sky
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

 

Image may contain: 4 people, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and suit
Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 1 person, sitting and indoor
Image may contain: 2 people, people standing and outdoor