MW Sisi: Waa in Heshiis Dhab ah laga gaaro Biyo Xireenka Itoobiya

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa sheegay in uu dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isku afgarteen, baahida loo qabo in heshiis dhab ah laga gaaro buuxinta iyo ka shaqeynta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) iyada oo aan dib loo dhigin.

MW Sisi waxaa uu yiri “Tani waa in lagu saleeyaa qoraalkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) bishii Sebtembar ee sannadkii hore si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka,” 

MW Sisi waxa uu sheegay in uu Xasan Sh Maxamuud kala hadlay arrimaha GERD, isaga oo caddeeyay in ay muujiyeen khatarta ay leedahay siyaasadaha hal dhinac ah marka la fulinayo mashaariicda ku saabsan webiyada isaga gudba dalalka.

Khaterta wabiyadaas kuma kano o kaliya tan u dhaxeysa Itoobiya iyo Masar ee waxay saameyn ku leedahay dhanka Somaliyeed oo ay Itoobiy iyo Kenya ka wadaan biyo xireen wabiyada Shabeelle iyo Juba oo ah labada webi ee Somaliya ay noloshooda beeraha ku xeran tahay. Haddii sharci caalami ah laga sameeyo waxaa uu noqonayaa mid sandhig u ah data cabsida Somaliya ka qabto inay naga eertaan Itoobiya biyaha lavadaas webi.

MW Sisi waxa uu sheegay  inay cadeeyeen inay lama huraan tahay in loo hogaansamo mabda’a iskaashiga iyo wada tashiga hore ee dawladaha darafyada ee GERD si loo hubiyo in aan wax dhibaato ah loo geysan mid ka mid ah iyaga oo raacaya qaraarada sharciga caalamiga ah.

Arrinkaan laba fa’iido ayuu Somaliya u leeyahay:

1.     Qaddiyadda oo noqoneysa qaddiyad caalami ah, waxaana suuragal ah inay dalal badan ka soo qeyb galaan xallinteeda.

2.     In loo hogaansamo sharciyada caalamiga ee sheegaya in wabiyada iyo biyaha qulqula loo wadago si aan cidi dhibeyn waddamada ay dhex maraan.

Dad badan oo Somaliyeed ayaa arrinkaan durbaba ka duday laakiin waa muhiim in qaddiyaddaan ay bannaanka timaado. Sisi iyo Xasan Sheekh midkoodna kuma talinin in xoog la adeegsado ama la abuuro carqalado keeni kara in iska hormaad arrinkaan ka dhasha la abuuro,  waxayna ku joogaan heshiis dhe maray MW Sisi iyo R/W Itoobiya Abi Axmed oo isugu dhaartay inaysan dalalkooda rabin inuu midba kan kale dhaawaco. Ka eeg muqaalkan hoose.