MW Shariif Shekh Axmed, MW Xasan Sheekh iyo MW Farmajo Maxay Noo qabteen? Akhriso

MW Shariif Sheekh Axmed

MW Shariif waxaa uu talada qabtay iyadoo ay xaaladda dalka aad u adkeyd una baahneyd in laba waxyaabood la isla ku wado; xorreynta shabab iyo gacan adeyg oo dhinac ahayd  iyo in la asaaso hay’ado dowladeed oo KMG dalka ka saara. Haddaba aynu dib u milicsanno wixii uu qabtay intii uu talada hayey marka laga reebo hogaamintii muqaawamada iyo ka xoreyntii dalka ciidankii Itobiya ee xeeladda ku yimid xelligii Cabdullahi Yusuf, una eg xeeladdaas oo kale in maanta uu rabo MW Farmajo.

  1. MW Shariif waxaa uu dalka ka saaray KMG, waxaanu Somaliya ka soo saaray inay noqoto dal dunida wax la qeybsan kara.
  2. wuxuuu gudaha dalka ku qabtay doorasho keentay inuu si xalaal ah u wereejiyey xilka markii laga guuleystay.
  3. Waxaa uu abuuray ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed oo uu asaaska u dhigay, kana dhigay ciidankan maanta jiraa bud dhiggiisii.
  4. Waxaa uu sameeyey distuurka KMG ah oo ka soo bilowday Garoowayaasha 1 iyo 2.

Sidaas darted MW Sharif Sheekh Axmed waxaa uu mudan yahay amaan iyo in lagu bogaadiyo hawsha qiimaha badan ee maanta cid kastaa ay fahmi karto waxa laga dhaxlay oo ah dowlad aan ku meel gaar ahayn.

MW Xasan Sheekh Maxamuud

MW Xasan Sheekh waxaa la oran karaa waa qofkii abuuray hannaan dowladnimo oo casri ah, keenayna in hay’adaha dowladda ay u shaqeeyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda.

Inastoo ay aad u badan yihiin wixii la qabtay xelliga uu dalka xukumayey MW Xasan sheekh haddana waxyaabaha weyn oo lagu amaani karo:

  1. Dhaqangelinta iyo wax ku duldhiska wixii uu MW Shariif asaaska u dhigay sida.
  2. Dhameystirka Hannaanka Federaalka eee lagu heshiiyey Xelligii MW Shariif.
  3. Sameynta Maamul goboleedyada Jubaland, HirShabeelle, K/Galbeed iyo Galmudug.
  4. Dib u habeynta iyo Tayeynta ciidamada Dalka. Intaan waxaa laga dhaxlay MW shariif wixii uu aasaaska u sameeyey lamana tuurin ee waxbaa lagu duldhisay, kadibmarkii lagu mataaneeyey siyassddi u jeexneyd MW Xasan Sheekh ee Lixda tiir ee uu doorashada ku galay.
  5. Xiriirka Dibadda iyo la jaanqaadka dunida: Waxaa ugu horreeyey soo celin xiriirka hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha iyo hawada sida IFM, Bankiga Addunka, EU, AU, IGAD, OIC iyo ICAO, kuwaan oo dhammantood dalka la falgalay intii ay jirtay dowladdii Xasan sheekh, iyadoo waliba lagu dhaqmayey xeer sinnaansho ah ee aysan nagu xadgudbi Karin, haddii xad-gudub ka yimaado hay’ad waxaa mar waliba lagu xallinayey hannaanka dunida taqaan diplomaasiyadda iyo wadahadlka.
  6. Dalal 40 Ka badan oo xiriirradii Diplomasiyadda lala soo celiyey iyo Safaaradaha dunida aynu ku leenahay oo la furay intii markaas ay tabarteennu gaareysay.
  7. Kenya oo nagu haysatay dhul badeed Boqol kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah ku darsatay dalkeeda oo maxakamadda caalamaiga dacwad hadda guul ku dhow laga geeyey, balsa ku xeran sida loo maareeyo.
  8. Gudaha dalka wax badan ayaa laga qabtay waxaana shabaabka ay ciidamadii la habeeyey ee la qalabeeyey iyagoo kaashanaya AMISOM ay gacantooda ka faramaroojiyeen degmooyinka kala ah; Buulobarde, Mahaddaay, Cadale, Warsheekh. Aadan-Yabaal, Maxaas, Baladweyne, Matabaan, Ciilbuur, Galcad, Ruunirgood, Janaale, Qansaxdheere, Baardheere. Marka.Baydhabo. Baraawe. Xudur. Garbahaarrey. Waajid. Diinsoor. Qoryooley. Wanlaweyn, Buur kaba, Buulo-mareer, Kismaayo, Luuq, Jowhar, Jalalaqsi. Isweydii akhristow adigoon caadifad aadin maanta ka xor ah degmooyinkaan?
  9. Waxaa dalka gudahiisa lagu qabtay doorashadii ugu wanaagsaneyd intii doorashooyin la qabanayey waxaana Xilka si Sharaf leh loogu wareejiyey MW Maxamed Cabdullahi Farmajo.

MW Maxamed Cabdullahi Farmajo

Haddaba maxaan ku xusuusan donna MW Farmajo:

Waxyaabaha wanaagsan ee la sheegi karo waxaa ka mid ah in ay xukuumadu shaqeysay muddo iyadoo dhammanteed aan la badalin. Tan oo ahmiyad wanaagsan waasa haddii marka hore loo xulo wasiirro aqoonteeda leh hay’adaha si ay hogaaminayaan iyo barlamanka oo loo ogolaado inay si sax ah u kor joogteeyaan. Waayo wasiradda qaar waa Beenalayaal ku takri fala awoodda iyo hantida dowladda haddii muddo dheer loogu simana (Chronic problems) ay adag tahay in la saxo markii ay la badalo. MW Farmajo waa lagu amaani karaa arrintaas aan badalka guud la sameyn, walow qaska in lagu fiirsadaa Kheyre ay dhashay cawaaqibxumada maanta keeneyso in la isla naco Kheyre iyo Farmajo.

Wax Yaabaha Maamulka Madaxweeyne Farmaajo & Khayre si u talgal ah ugu dheeleen ee ay adag tahay si sahal looga soo kabtaa waxaa ugu waaweyn:

  1. Bariire oo lagu xasuuqay shacab loona gurmanin iyo Askar ilaalineysay CCC oo kabahooda lagu aasay, Dilkii Wasiir Siraaji & in la dayacay amnigiisa, In hanti dhowrkii hore qaranka si sharci darro ah xilka looga qaaday, kan jooga lagu wado cagajugleyn iyo been ka sheeg shaqadaada haddii kale ….
  2. ‎Qarax 1000 qofood lagu dilay 14/10/17, Dhiibistii Qalbi Dhagax, Afgambigii MW Cali Cosoble oo lagu badalay Waare oo aan ogeyn meel uu socdo iyo meel uu ka yimid, Burburintii Galmudug oo wali la soo dhisi la’yahay, Shacabkii lagu laayey Koonfur Galbeed si kursiga loo saaro wiilka Abti loo yahay ee Lafta Gareen oo aan ilaa maanta hal wax qabanin, Weerarka joogtada ah ee lagu hayo Puntland oo uu kii xalay dadka lagu dilay u dambeeyey
  3. ‎Wasiiro & Xildhibaano la dilay iyo kuwa si sharcidarro ah loo badalay la iskana warsan, Wasiirka Gaashaan Dhiga oo iska casilay xilka
  4. ‎Wasiirka Gargaarka & Masiibooyinka oo iska casishay xilkaan maanta loo jeedo muhimmadda ay lahayd gabadhaas Dr. Maryan Qasim oo dad badani ay qabaan inaan dhibaatada fatahaadaha heerkaan gaari lahayn haddii ay joogto ama uu gurmad intaan ka wanaagsanaan lahaa.
  5. ‎Taliyayaashii ciidanka Qaran si aan ka fiirsi lahayn xilalka looga qaaday walina la la’ayahay kuwa buuxiya xilalakaas oo ka soo bixi kara hogaaminta ciidanka iyo NISA oo shabaab Gacanta loo geliyey iyo ‎Madaxweeyne Farmaajo oo qirtay in Al Shabaab aan laga adkaan Karin, isagoo ujeeday waa inaa la shaqeysannaa, maantana ay canshuur wadaag yihiin shababka iyo dowladda.
  6. ‎Musuq Maasuqii oo sii baahsan u noqday hawl maalmeedka madaxda dalka siiba dhulalka & dakhliga oo six un loogu tunto, Barlamankii dalka iyo xildhibaanadii oo laga xayubiyey awooddii distuurka uu siiyey, Jubaland oo laisku dayey in la burburiyo si uu dagaal sokeeye uga dhaco oo ay dowladda Farmajo ugu kaalmeeyso beel ka mid kuwa degaa inay qabsato.
  7. Iyo Xamar oo ay laba maamul, Shabaab iyo dowlada FS, ka wada jiraan dadkana six un loogu dhibay oo ah tan ugu daran maanta.

Haddaba intaan iyo ka badan ayaad ku xuusan doontaa MW Maxamed Cabdullahi Farmajo waxaana ugu daran inuusan MW Farmajo fahmin in dalku yahay qori isu dhiib oo uusan waxba ku dulsisin wixii horay ugu dhisanaa ummada kuwa bandanna uu ka been sheegay iyagoo isticmaalay hal ku dhegga ah “ Waa markii ugu horreysay”.

Waxaa kaliya ee uu sidoodii u sii waday  MW Farmajo waa laba arrimood oo midi hadda ku dhow inay burburto waa: a) Dacwadda badda iyo b) Deyn Cafinta iyo habka ku dhaqanka barnaamijka maamulka iyo maareynta dhaqaalaha oo ay dajiyeen hay’adiha caalamiga ah iyo dawladdii  Xasan sheekh heshiiska ku kala saxeexday. Waayo kuwaan haddii uu wax ka badli lahaa mar hore ayey dalka ka bixi lahaayeen hay’adaha IMF, WB iyo EU. Dhinaca kale ariinta uu si  xun u gacan bidixey waa arrinta badda oo maanta guul joogi lahayd haddii loo dhaafi lahaa meeshii dhigtay dowladdii Xasan Sheekh. Balsa maanta aan la hubin waxa ay ku dambeyn doonto.

Hadabba akhriste cidi kuma doodeyso inay dhaliilo leeyhiin madaxdii hore ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo uu gaabis ka jiray hogaaminta mid waliba, hasa yeeshee guuldarrooyinka cawaaqibxumada dhalayey looma sinneyn ee waa la kala badsaday oo MW Farmajo ayaa waxaa adag in la helo guul uu shacbiga la hor iman karo maanta.

mm
Axmed Geelle

Muqdisho Online. Xafiiska wararka Geeska Afrika. Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected] ama twitter @muqdisho_online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here