MW Saciid Deni:  “Uma dulqaadan doono in DFS ay awoodda isku koobto, doorka DG la burburiyo”  (Daawo Video)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland.

Munaasibadda furitaanka waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyadda Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Deni ayaa qudbad meeo badan taabanaysa ka qariyaya furitaanka kalfadhiga waxa uuna sheegay in uuna ku eedyay dowlada Federaalka ay doonayso in ay burburiso dowlad goboleedyada.Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uusan u dulqaadan doonin, in Dawladda Federalka Awoodda isku koobto oo Maamul goboleedyada doorkoodana marooqsato.

Mudane Deni, ayaa dhinaca kale khudbaddiisa ku soo qaaday, shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee fashilka ku dhammaaday, isagoo sheegay in laga baaqsan karay burburka ku yimid shirkaasi, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tanaasul lahayd, maroorsiga iyo isku’keli-yeelidda talada dalka.

Halkaan ka daawo: