Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee uu kal hore iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaa Deni kasoo horeeyay Wafdi hordhac u ahaa, kuwaasi oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiisha hab maamuuskiisa iyo Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.
Madaxweynaha Puntland ayaa hore u shaaciyey in uu ka qeyb-galayo shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuuna taageero ballaaran u muujiyey Rooble oo ay si weyn isku hayaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale waxaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug iyo HirShabelle oo sida la filayo ayaguna qeyb ka ah shirka Rooble ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, oo dib u sixid loogu sameynayo doorashooyinka socda, kadib markii ay mucaaridka si weyn uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.
Shirkaan ayaa waxa illaa hadda si cad u diiday ka qeyb-galkiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, oo asagu qeyb ka ahaa Golaha Wada-tashiga Qaranka, wuxuuna dhinaca saaray madaxweynihii hore.