Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa lagu wadaa in uu dhaqaan u dhoofo dalka Zambia.
Madaxweyne Deni ayaa sida wararku xaqiijinayaan ku wajahan magaalada Lusaka ee caasimadda Zambia waxaana la sheegay in uu halkaas u tegayo arrimo Ganacsi iyo dhaqaale. Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale Caawa la kulmaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ay ku jiraan Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ugu danbayn uu safarkiisa ku soo mari doono dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti. Deni ayaa waxaa uu ganacsi ku leeyahay dalka Zambia iyo dalal ka tirsan Wadamada Carabta.