MW Saciid Deni oo amar ka soo saarey hubka lala galo garoomada diyaaradaha

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa asbuucyadii la soo dhaafay waxa uu xooga saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga Puntland.

MW Deni oo shalay shir guddoomiyey shirkii Golaha Xukuumadda Puntland, waxaana laga soosaarey amar Madaxweyne oo ku saabsan hubka lala galo garoomada diyaaradaha ee Puntland.

Golaha Xukuumadda ayaa war bixin ka dhegeystey Wasiirka Duulimaadka iyo Garoomada Puntland, kadib Madaxweynuhu waxa uu soo saarey amar ah in aan hubka fudud iyo midka culus ee Tiknimada iyo weliba tuutaha aan lala geli karin garoomada diyaaradaha, sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka Warfaafinta Cali Sabaray.

Garoomada Puntland waxaa caado ka ah in saraakiisha , wasiirada, guddoomiyaasha goboladu ay hubka kiisa culus iyo fudud la galaan garoomada, Go’aankan ayaa wax ka beddeleysaa wejiga dhabta ah ee Puntland, fulinta go’aankan ayaa noqon doona mid lagu tijaabiyo xukuumadda Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!