Madaxtooyada Kenya ayaa soo bandhigtay waxqabadka 100ka Cisho ee ugu horreeya Madaxeyne William Ruto, qoraalka ayaa lagu sheegay in uu la kulmay Madaxda Waddamada Soomaaliya, Itoobiya, Uganda, Tanzania, Rwanda & madax kale.
Madaxweynaha Kenya ayaa kulanka uu la qaatay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay ku saldhigeen xoojinta xiriirka dowladaha xad-wadaagga ah & la dagaalanka ‘AS’.
Kenya ayaa sheegtay in ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada si loo xoojiyo dedaallada socda ee nabadda lagu taageerayo.
William Ruto, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in Dalkiisa ciidan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Caalamiga ah ee Midowga Afrika ee ATMIS si loo tirtiro awoodda & halista ‘AS’.
Kenya ayaa maamuuseysa 100 cisho oo laga joogo doorashada uu ku guuleystay Madaxweyne William Ruto, waxaa horyaalla fulinta ballanqaadyo kala duwan oo uu sameeyay waqtigii uu ku jiray ololaha cod raadinta.
Saraakiil katirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in uu aad u yaraaday weerarada & Dilalka ‘AS’ ka geysaneysay Gudaha Dalkaas kaddib markii la kordhiyay Ciidamada ammaanka ee ilaalinaya Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.