Madaxweyne Ruto oo fagaare kaga dooday in Soomaaliya dowlad ka jirin?

Reading Time: < 1 minute

Kulan balaaran oo ay soo qabanqaabisay hay’adda uu leeyahay ganacsdaha weyn ee reer Suudaan Mo Ibrahim ee loo yaqaano Mo Foundation ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulankaan oo ahaa kulan sanadle  ah ayaa sanadkaan waxaa lagu abaalmariyay Madaxweynihii hore ee dalka Niger  ee dhaca Waqooyiga-bari ee Qaarada Africa.

Madaxweynaha dalka Kenya oo marti sharaf ka ahaa kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen madaxweynayaal iyo Ra’iisal Wasaarayaal wadamo badan ka soo taliyay, ayaa Madaxeynaha dalka Kenya William Ruto waxaa uu marar badan tusaale u soo qaatay dalka Soomaaliya isaga oo ku cel-celiyay in dalka Soomaaliya ayan dowlad ka jrin mudo 30sano iyo ka badan.

Inkastaa oo Madaxweyne Ruto og yahay in dalka Soomaaliya ay ka jirto dowlad caalamka laga wada aqoon sanyahay, hadana dareenkiisa ayaa ah in ayan dowlad rasmi ka jirn Soomaaliya, taas oo aad moodo inuu si cadaafi ah uga halay.

Hadalka gafka ee ka soo yeeray Madaxweyne Ruto waxa uu ahaa mid ay aad uga xumaadeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana loo arkay gaf uu u gaystay shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Qaar kamida siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ka codsanaya dowlada Soomaaliya inay arintaan ka falceliso, kuna qasabto in dowlada Kenya ay raaligalin buuxda ka bixiso hadalkaas gafka ah ee uu Madaxweyne Ruto u geystay shacabka Soomaaliyeed.