MW Ruto oo magacaabay taliye cusub, wacadna ku maray burburinta Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in ciidanka Kenya ay diyaar u yihiin burbrinta kooxda argagaxisada Al Shabaab. Waxa uuna sheegay in Kenya ay Soomaaliya kala shaqeeyn doonto la dagaalanka Al Shabaab.

Hadalkan ayuu ka sheegay Sabtidii xilli uu General Francis Ogolla ku dhaarinayay Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, taasi oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa  waxa uu ku nuux nuuxsaday in argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya iyo Geeska qaaradda Afrika ay tahay in la soo afjaro.

“Waxaan u dabaaldegaynaa horumarka laga gaaray taageeridda isbedellada Soomaaliya si ay u noqoto dal xasilloon, ammaan ah, oo barwaaqo ah,” ayuu Ruto ku yiri hadal-jeedintiisa.

Ruto waxa uu xusay in dalalka ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, looga baahan yahay inay si degdeg ah talaabo u qaadaan, isla markaana ay xalliyaan waarta iyo saadaalinta taageerada dhaqaale si loo xaqiijiyo in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay si Wadashaqeyn ayuu ka dalbadey madaxda dowladaha gobolka si loo maareeyo waqtiga iyo shaqadda howlgalka.

ATMIS isla markaana argagixisada loogu xakameyn lahaa in aysan soo dhaafin xuduudaha.