S/Gaas Daahir Aadan Cilmi oo loo yaqaanno Generaal Indha-Qarsho waxaa uu ka mid yahay sraakiisha faraku tiriska ee leh aqoon milateri oo lagu faani karo. Haddey tahay hogaaminta ciidanka, habeynta ciidanka, howlgelinta ciidanka waxaa uu ku sifoobay inuu yahay shakhsi qaranka uu ka soo jeedo uu ku faano, kan uu horjedana uu ka naxo.
Sarreyaha waxaa uu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay dalka Mreykanka “University of Massachusetts Boston”. Waxaanu sooma jeestayaasha Xooga Dalka Somaliyeed ku soo biiray Sannadkii 1968.
Sarreeyuhu waxaa uu leeyahay tababarro aad u qiimo badan oo u mudan si aad ah looga faa’iideyto tan oo ay arkeen labadii madaxweyne ee isaga dambeeyey Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo oo ku aaminay hogaaminta iyo dib u dhiska CXD Somaliyeed.
Haddaba waxaa foolxumo iyo ceeb ah in Caawa aan Galkacyo iyo Dhuusamareeb ka maqleyno inuu QoorQoor aan dhalan markii uu difaaca dalka u istaagay Indhaqarsho uu leeyahay kama mid noqon kartid Golaha Shacbiga.
Bal qiyaas akhriste Genaraal Indhoqarsho oo ka mid golaha shacbiga ee Barlamnak 11aad oo madax ka ah guddiga Amniga iyo Ciidamada ee Goalaha waxa uu ka qaban karo.
General Indhaqarsho Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan oo Ciidanka Xogga Dalka Soomaliyeed Sida (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-aad, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.
Laakiin waxay saraakiisha iyo dadka waddaniyiinta ee caqliga ka qaangaarsan ku xusuustaan dhacdadan oo ah mid ka dhigeysa inuusan xataa tartan u galin Barlamanka ee lagu sharfo inuu ka mid noqdo si joogto ah.
Akhriste, qofkasta oo damiir leh wuu ilmeeyaa markuu intaan ogaado , taas oo ah wax ka marqaati kacaya wacdarihii uu ka muujiyey dagaalkii 77 ee xoreynta Somali Galbeed oo uu ku muteystay billad dahad ah waxaana gudoonsiiyey AHN Madaxdweyne General Maxamed Siyaad Barre taas oo uu ku muteeystay dhacdo yaab leh oo isaga ciidankiisa lagu go’doomiyey dhulka Somali galbeed , hasa yeeshee karti hogaamineed, iyo aqoon gaamurrtay oo uu hogaaminta ciidanka u leeyahay ayuu kula soo baxay ciidankiisii oo bed qaba, cadowgiina iskaga difaacay isagoo weliba cashar u ka dhigay Itoobiya dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali galbeed kana mid ahaa guutadii qabatay Qabri-Daharre oo ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed.
Haddaba MW Axmed Cabdi Kaariye oo mararka qaar rag aqoon u muuqda waxaa uu taariikhda ku geli doonaa Sharaf haddii uuba u xero kursiga Sarreeye Gaas Dahir Aden Cilmi-Indhaqarsho, una sheego haddaadan shalay difaaci lahayn dalkaan maanta madaxdweyne ma ahaadeen ee toos uga mid noqo barlamanka 11aad adiga waliba matalaya Galmudiug oo aan hogaamiyo waana ii Sharaf.