Reading Time: < 1 minute
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hadal-jeedin ka sameeyey kulan gaar ah oo ay iskugu yimaadeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda iyo howlihii ka qabsoomay Galmudug asagoona is dul taagay arrimaha Dib-u-heshiisiinta bulsho iyo Siyaasadeed, amniga iyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo shirarkii lagu marti geliyay Dhusamareeb loogana arrinsanayay arrimaha doorashooyinka qaran.
qaar kamid xubnaha guddiga joogta ah ee aqalka sare ayaa su,aalo weydiiyey madaxweynaha GM, isagoona si waafi uga jawaabay.
Kulankan oo uu shir gudoomiyay , Guddoomiyha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/lahi, waxaan ka qeybgalay ku xigeenadiisa 1-aad iyo 2-aad, Xubnaha Guddiga joogtada ah iyo qaar kamid ah gollaha xukuumadda Galmudug.