MW Qoor Qoor oo muqdisho kula shiray xildhibaanada fadaraalka ee Galmudug kasoo jeeda

Reading Time: < 1 minute

Kulankan waxa kasoo qeybgalay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare  Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo dhammaan Xildhibaanada Galmudug laga soo doorto.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhamaan intii kasoo qeyb gashay asagoona si kooban uga warbixiyay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsheyaasha mustaqbalka dhaw uga degsan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo dib uheshiisiinta.

Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee kasoo qeyb galay casuumaadda ayaa ugu danbeyntii ka mahadceliyay casho sharafta madaxweynuhu ku casuumay, ayagoona soo boggaadiyay dadaalada Horumarineed ee ka socda Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor  Xildhibaanada kala hadlay sidii ay u Ansixin lahaayeen Ra’iisul wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay, waxaana sidaan oo kale Xildhibaanada Baarlamaanka labada aqal Ku matala kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed madoobe oo isugu yeeray Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland, waxaana uu kla hadlay sidii ay u Ansixin lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo Qodobadii shirkii Muqdisho.