MW Qoor Qoor oo la filayo inuu ku biiro shirka ka socda magalaada Garowe

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Xogaha ka imaanaya Madaxtooyada Puntland ayaa caddaynaya in Madaxweynaha Galmudug uu Garoowe ku soo wajahan yahay bilowga Todobaabdka soo socda.

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ee ka socda magaalada Garowe ayaa lagu micneeyay iskaashi ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo uu iminka wada-hadallo kula leeyahay madaxweyne Saciid Deni.

“Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada,” ayay tiri Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Shirarkaan  ayaa imaanaya xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyadda Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka. Deni ayaa la sheegay inuu Xasan Sheekh xilligaas ka dalbaday inuu joojiyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Lafta-gareen ee mucaaradka Koonfur Galbeed ay ka wadaan Muqdisho, taasi oo Xasan oo diiday.

Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa laga yaabaa in wadahadaladooda kadib ay si wadajir ah ugu dhoofaan magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, balse ma cadda in Qoor Qoor uu isna raaci doono.