Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magacaabay wasiirro cusub oo ka mid noqonaya golaha Wasiirrada maamulka Galmudug.
Wasiirrada uu xalay magacaabay madaxweynaha Galmudug ayaa isugu jira wasiirro, wasiiru dowlayaal iyo wasiir kuxigeeno, waxaana wasiirradan lagu bedelay wasiirro hore oo xil ka qaadis lagu sameeyay.