Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cadi Kaariye Qoorqoor ayaa la kulmay saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ee ku sugan xeebaha degmada Hoyo.
Madaxweyne Qoor Qoor iyo saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa wada-hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka ah dagaalka Al-shabaab, sida ay qortay wakaaladda SONNA.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howlgallada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-shabaab, iyadoo codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale Mareykanka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sidii deegaannada laga xoreeyay maleeshiyada Al-shabaab dib loogu soo celin lahaa adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada.