MW Puntland Siciid Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha ayaa safar maalmo kooban ah ku tegi doona Muqdisho sida ay wararku xaqiijinayaan. Wararka ayaa sheegaya in Madaxwene Xasan Sheekh uu u yeeray Siciid Deni islamarkaana ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Villa Somalia.

Kulanka labada dhinac ayaa sida xogo hoose tilmaamayaan waxaa looga hadli doonaa fulinta ballamo hore oo lala galay Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay si dadban u hakiyay xiriirka Villa Somalia oo uu ku eedeeyay ballan-ka-bax.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la sheegay in uu mooshino ka dhex abaabulayay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Khilaafkan labada dhinac oo in mudo ah soo socday aya ala sheegyaa  inuu salka ku haya magacaabidda saraakiil hoggaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto. 

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso, oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor boodayaan, mana cadda in baaqashadaas ay xiriir la leedahay khilaafka labada dhinac.

Saciid Deni ayaa ka caraysnaa madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka ra’iisul wasaaraha dhaafsiiyey Puntland, oo uu magacaabay Xamza Cabdi Barre. 

Si kastaba, khilaafkaas ayaa la sheegay in markii dambe la xaliyey kadib markii wiil uu dhalay Deni xil laga siiyey dowladda federaalka, sidoo kalena xilal kale loogu daray, balse sida muuqata Deni wuxuu doonayaa xilal kale oo dheeri ah.