MW Puntland Deni oo 3 xubnood u magacaabay guddiga doorashooyinka Puntland-(PEC)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay saddex xubnood oo kamid noqonaya guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

Madaxweynaha ayaa ku guddiga ku soo daray Maxamuud Soofe Xasan oo ka soo jeeda gobolada SSC horeyna uga mid ahaan jirey guddiga doorashooyinka kumeel-garka ahaa ee xiliyadii 2011 – 2019.

Sidoo kale waxa uu magacabay Maxamed Abshir Garaad oo ka soo jeeda isla gobolada SSC, halka xubinta saddexaad uu u magacaabay Cabdullaahi Siciid Ismaaciil oo horey u soo noqdey guddoomiyaha degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa horay u magacaabay xubintii KAAH ee guddiga doorashooyinka PEC, waxaana uu u magacaabey Cabdullaahi Maxamed Barre oo kamid ahaa ururka KAAH.