MW Muuse Biixi oo ka hadlay mowqifka Somaliland ee ku wajahan Gudigii Farmaajo Magacacaabay

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay guddida uu madaxweynaha soomaaliya u magacaabay wada hadalka soomaaliland. Hadalka Madaxweynaha ayaa ka dhacay kulan casho sharaf ah oo uu madaxtooyada ugu sameeyye dublamaasiyiin iyo qoraayo caalami ah oo ka qayb galaya bandhiga buugaagta Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Gudiga uu magacaabay Farmaajo  aanay khusaynin  Dowlada somaliland waxaanu yidhi “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”

Dhanka kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in madaxweynaha soomaaliya kordhiyey cadaawad uu tilmaamay inuu somaliland u hayo, waxaanu yidhi “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi ayaa gef iyo gardarro ku tilmaamay in Farmaajo oo ka taliya  kaliya Muqdisho uu guddiyada uu magacaabay kusoo daro xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, waxana uu tilmaamay inaanay Somaliland meteli Karin shaqsiyaad iskood u shaqo tegay oo aan cidna metelini.

Isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”