MW Mustaf Cagjar & MW Axmad Madoobe oo ugu danbeyntii la heshiisiiyay

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Muxumed Cumar ayaa xalay Magaalada Addis Ababa casho Sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga dalka Itoobiya.

Labadaan Mas’uul oo ka soo wadajeeda beesha Ogaadeen, gaar ahaan Maxamed Subeer, ayaa in mudo ah  dhextiilay colaad uu midba midka kale ku doonayay inuu ka taqaluso.
Beesha Reer Isaaq oo uu ka dhashay Madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa kabiyo diiyaya hoganka beesha reer Abdulle oo in mudo hogaanka talada Ogaadeen haysay.

Kulankaan oo ay horay uga soo shaqeeyeen aqoonyahano ka tirsan beesha Ogaden ayaa ah  mid lagu doonayay in labada dhinac lagu heshiisiiyo.

Dhanka kale, Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay madaxweynaha Jubbaland iyo madaxweynaha dowlad deegaanka ayaa kawada hadlay arrimo dhoor ay kamid yihiin sidii loo soo celin lahaa xiriirka Jubbaland iyo dowladda federaalka Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in diyaar u yahay in looga ergooyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay siyaasad ahaan kala foggaadeen xilligii dowladii Farmaajo, waxa uuna hadda Axmed Madoobe sugayaa ballan loo qabtay oo ah in uu la kulmo Abiy Axmed.

Madaxda Soomaalida Itoobiya ayaa gacan ka siinaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sidii uu ula kulmi lahaa Abiy Axmed, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe rabaa xilligan in Itoobiya la sameesto isbaheysi cusub si maamulkiisa ugu ilaashado.

blankblankblankblank