Iyada oo dhowr asbuuc ay ka soo wareegatay markii Dowlada Soomaaliya ay magacaawday ergayga wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhankiisa markale u magacaabay Drs. Edna Aadan Ismaaciil inay noqota qofka hogaaminaya wadahadalka ay Somaliland la yeelanayso Soomaaliya.
Edna Aadan ayuu hore xilkan uu ugu magacaabay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Dib umagacaabistan Edna ayaa ku soo beegmaysa xili uu dagaal xun uu ka socda degaanka SSC oo diidan inay markale hoostimaado Somaliland.