Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo uu spo saaray xilka qaadis, isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland.
Mas’uuliyiinta uu magacaabay waxaa ku jira Guudomiyaha Gobolka Sool oo hortagto magalaada Laascaanood, halkaas oo uu haatan dagaal ka socdo. Badhasaabka Cusub ee maanta Madaxwayne Biixi u magacaabay gobolka Sool Cabdikariin Siciid Aw Cabdi waxa uu kamid ahaa Saddexdii ganacsade ee horey loogu xidhay soo dejinta qaadka Miirooga.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Guddoomiyihii Gobolka Gabiley
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado Xilkii Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In Cabdi Cismaan Dhaga-weyne Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland.
2. In aan Guddoomiyihii Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye u beddelo in ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland.
3. In Cabdikariim Siciid Aw Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland.