Muuse Biixi, ayaa 8-da bishan khudbaddii sannad lahayd u jeedin doona Baarlamaanka Somaliland ( Guurtida iyo Wakiillada). Khudbadan oo dib u dhacday ayaa la filayaa in Muuse Biixi kaga hadlo xaaladda Somaliland sida arrimaha doorashada iyo dagaalka Sool.
Khudbadaan ayaa la sheegay inuu ku soo bandhigi doono qorshaha uu ka damacsan yahay dagaalka Laascaanood. Waxa uu kaloo shacabka Soomaaliland u sheegi doonaa inay taageeraan talaabada adag oo ay dowladiisu qaadi doonto.
Lama yaqaano waxa uu ula jeedo qorshaha ama talaabada adag uu qaadi doono, waxayse u badan tahay inuu doonayo in dadka Somaliland u diyaariyo dagaal culus uu ku qaado deegaanka SCC-Khaatumo.