Madaxweynaha dalka la magac baxay Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeeray Cusbitaalka guud ee Burco iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka Somaliland, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad.
Madaxweynaha ayaa booqday dhaawacyadii ciidanka ee laga keenay dagaalka Laascaanood kuwaas oo haatan lagu dhabiibayo cisbitaalada magaalada Burco.
Madaxweyneha ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu u mahadnaqay dhammaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isagoo madaxwaynuhu ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday geesiyaashii ciidamada ku soo dhaawacmay dagaaladii kala danbeeyey ee Laascaanood, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood, dawladduna u hurayso wax walba oo la xidhiidha daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, isla-markaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.