Muuse Biixi Cabdi ayaa Aqbalay cafis uu ka soo dalbaday Somaliland Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaliya Dr. Bayle oo doonaya inuu dalkiisa Somaliland dib uga soo noqdo.
Muuse Biixi ayaa sida ilo xog ogaal ahi xaqiijiyeen aqbalay dalabka Cafiskaas waxaanu amray in wixii kale ee ka u hadhay habka qanuuniga ah ee u dajisan cafisyada siyaasiga ah la mariyo cafiskiisa uu ka aqbalay intaas ka dibna uu dalkiisa dib ugu soo laabto Dr. Bayle.
Bayle ayaa hore xilal sare uga soo qabtay Soomaliya wuxuuna Hanti Badan ku leeyahay magaalooyinka Hargeysa Iyo Boorama, waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeedaa Gobolka Awdal.