Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland aysan weerar ku aheyn shacabka magaalada Laascaanood oo in kabadan 50 maalmood ay duullaan kuyihiin, lana dhacayaan madaafiic aan loo meel dayin.
Isagoo ka hadlayay kulan la isugu keenay qaar kamid ah culimada Hargeysa, ayuu Muuse Biixi sheegay in ay Nabadda ka shaqeynayaan oo ay diyaar u yihiin nabad, weerarna aysan qaadeyn oo ay dhinaca kale nabad ka sugayaan.
Muuse ayaa xusay, in aan cidna dhulka Somaliland kala goyn-karin oo ay Sool deegaanka Somaliland katirsan tahay, ayna qasab tahay in arrimaha Somaliland ay yihiin qadiyada Sool.
Hayeshee, 26-kii March iyo 2-dii April Taliska ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ay weerar yihiin oo ay xoog ku qabsanayaan Laascaanood, warkaas waxaa kale oo shaaciyey wasiirka Gaashaandhiga.
1-dii April: ciidanka Somaliland ayaa weerar xoog leh ku qaaday Laascaanood, mana suuragalin in ay qabsadaan magaalada, sidaas oo kale 72saac ee soo socda ayay qorsheynaysaa SL weerar 3 jiho ku qaado, taas oo muujinaysa isdiidooyin ka wada yimid maamulka Somaliland.