MW Maxamed Cabdi Waare oo ka baaqday safarkii uu beri ku tagi lahaa Magaaladda Neyroobi. Maxaa Isbadalay?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lagu waday in uu maalinta berito ah u safro dalka Kenya ayaa baajiyay Safarkiisa arimo aan la shaacinin awgood. Bartamahii bishii aanu soo dhaafnay ayaa ahayd markii MW Waare uu balan ku furay Madaxda Dowlad Goboleedyadda oo go’aan wadajir  ah ku qaatay shirkii ka dhacay magaaladda Kismaanyo. MW Waare ayaa damac  uga jiraa in uu isku hayso labada dhinac ee Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe iyadda oo ujeedadeedu tahay in uusan marnaba aaminin Hogaanka Dowladda Dhexe oo uu rumaysan yahay in ay ka aarsan doonaan dagaalkii lagu qaady Dowlada Fedraalka ee uu isaga hormuudka ahaa.

Mid ka mida dadkii kala soo shaqeeyay Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC)  ayaa u sheegay MOL in Maxamed Cabdi Waare yahay qof ayan balanta qiimo ugu fadhiyin waxa uuna rumaysan yahay in dowladda uu hadda sheegayo in uu la heshiiyay uu meel cidla ah uga dhaqaaqi doono waqti aan fogeynin. Waxa uu yiri “Somali iyada ayaa baran doonto Waare iyo waxa uu galo” waxa uu intaas ku daray “ MW Waare waxa uu aaminsan yahay in qofkastaa uu ka caqli badan yahay, mana  aha nin ka xishooda beenta”. Inkastoo MW Waare ka sheegay idaacadaha in uu ka soo goostay Ururka Iskaashiga Dowlad Goboleedka hadana waxa uu la wadaa wadahadal aan toos ahayn.

Wali lama ogo in sababta uu uga baaqday shirka Neyroobi  ay tahay culays ay saartay dowladda Federaalka iyo in uu doonayo in u muujiyo dowlada dhexe in uusan wali xiriir la lahynin Madaxada Dowlad Goboleedyadda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!