MW Mareykanka Donald J. Trump & RW Itoobiya Abiye Axmed maxay ka wada hadleen?

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa wicitaan dhinaca telafoonka ah waxa uu ka helay MW Mareykanka, Donald J. Trump Jimcadii, sida uu xaqiijiyay xafiiskiisa RW Abiye Axmed.

Labada mas’uul ayaa is-dhaafsaday labo xaaladood oo kala ah.

  1. Shilkii 10-kii Maarso ee aay ku burburtay diyaaraddii Ethiopian Airlines kuna dhinteen 157.
  2. Trump ayaa balanqaaday in uu taageeri doono isbedalka uu ka wado Abiy Axmed geeska Afrika.

Hogaamiyaasha ayaa ku adkeystay in ay ka go’antahay xaqiijinta xiriirka u dhaxeeya labada dowladood, sida uu yiri afhayeenka xafiiska RW Abiye Axmed.

Abiye waa hogaamiyihii ugu dambeeyay ee qaarada Afrika, kaasoo wicitaan ka hela MW Mareykanka, Donald J Trump.

Uhuru Kenyatta, MW Kenya, hogaamiyaha Nigeria, Maxamaduu Buhari iyo Jacob Zuma, madaxa dowlada Koonfur Afrika ayaa qayb ka ah.

Qoraalka xafiiska Abiye oo dhameystiran

RW Abiye Axmed iyo Donald Trump ayaa telafoonka isku weedaarsaday tacsiyo ku aadan dadkii labada dal iyo dadkii uga dhintay shilkii diyaaradeed ee duulimaadka 302.

Madaxwayne Trump ayaa bogaadiyay Ethiopian Airlines, isaga oo xaqiijiyay in ay tahay hay’add xoogan, uuna farsamo ahaan taageerayo.

Donald Trump ayaa taageero umuujiyay guud ahaan isbedalka ka socda Itoobiya bilooyinkii lasoo dhaafay.

Labada hogaamiye ayaa kusoo xiray wadahadalkooda telafoonka in ay ka go’an tahay adkeynta cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labada wadan.

Socdaalkii Abiy ee Mareykanka.

Mas’uulka ugu sareeyay Mareykanka ee uu Abiy la kulmay wuxuu ahaa Madaxwayne ku xigeenka Mike Pense, sanadkii hore kadib socdaal uu ku tegay dalkaasi markaasoo Aqalka Cad lagu qaabilay.

Isla waqtigaasi, Pence ayaa xaqiijiyay ka go’naanshiyaha taageerada ay Washington siinayso isbedalka Abiy ee uu ka wado dalkiisa.

Washington ayaa loo arkaa in ay tahay xulufada ugu muhiimsan ee Itoobiya marka loo eego iskaashiga laba geesood ah, oo ay kamid tahay iskaashiga amniga ee la dagalaanka argagixisadda.

Mas’uulkii ugu maqaamka sareeyay ee Mareykanka ka socda ee tega Itoobiya wuxuu ahaa Rex Tillerson, xoghayaha dowladda, kaasoo ka degay Addis Ababa, iyada oo ay taagan tahay xiisad culus.

Trump ayaa xilka qaadis ku sameeyay Tillerson markii uu soo dhameystay waajibaadkiisa uu ku gutaya dalalka Kenya iyo Nigeria ee dhaca bariga iyo galbeedka Afrika.

Xayeeysiin