Sideedaba si Distuur wax looga badalo oo waqtiga Barlamnka loo kordhiyo ama wax looga badalo cimrigiisa waxaa loo baahan yahay laba sddexeed ama 2/3 oo golaha shacbiga ah sidaas darteed tan xataa Barlamka loo dheerey ayaan sharciga dalka waa faqsaneyn, jebisayna distuurka dalka u yaallo ee ay ku dhisan yihiin.
Laakiin xataa haddaanba sideeda u qaadanno sax ma ka dhigeyso in MW loo kordhiyo. Dooddaan waxaan u bandhignay sharciyaqaanno Somali iyo Ajnabiba leh oo qaarkood ay ku takhasuseen sharciga Distuurada (Constitutional Lawyers), kana shaqeeya xafiisyo caalamai ah iyo kuwa beesha caalamka waxaana ay nagu soo celiyeen jawaabahan:
- Sharci ama xeer marka la sameynayo waa waxaa muhim ah Ujeeddada sharciga loo sameynayo ee kalliftay in la sameeyo ama baahida keentay sameynta Sharcgaas. In Barlamanka loo kordhiyo ma ahayn in MW loo kordhiyo
- Waxa khasabay sharciga in Waqtigaas la sameynayo oo ah in lagu ilaalinayo hay’ad ama xaalad uu waqtigii la awoodsiiyey uu dhacayo ama mid uu waqti kale ku soo socda oo keenaya in awooddii ay ka burburto hay’adaas. Gokaha shacbiga oo waqtiga ka dhacayey. MW kama dhaceyna marka ma saameeyo sharcigaas
Haddaba haddii aan mid mid u dul istaagno marka sharciga dheereynta baarlamanka iyo hay’adaha ku lammaasan la sameynayey labadaan qodob ee sare waa jireen waayo:
- Barlamanka waxaa ka dhacayey waqtiga oo haddii aan la sameyn waxaa Meesha ka baxayey awoodda barlamanka sidaas darted waxay ahayd Khasab in la sameeyo si uusan barlamanka Meesha uga bixin oo aysan u dumin dhamaan hay’adaha disturiga ah markaa waqtiga wuxuu ahaa muhiim oo lama sugi Karin.
- Ujeeddada ayaa iyana muhiim ahayd oo waxaa looga jeeday inuusan dalka ku dhicin marnaan dowladeed oo hay’addii dowladda saldhigga u ahayd inaysan Meesha ka bixin.
Sidaas darted sharcigaas waxaa uu lahaa labadii sifo ee sharci loogu baahnaa marka la sameynayo waana sababtaas ujeedada loo sameeyey waana sax oo waa dhaqagal in uu ilaaliyo jiritaan ka hay’adaha distuuriga ah.
Sharigaas Ma saameynayaa Madaxweynaha?
Jawaabtu waa MAYA. Sababatoo ah Distuurka KMG ah madaxweynaha waxaa uu kaga hadlay cutub goonni ah oo ay ku dhameystiran yihiin shuruudihiisa iyo awoodihiisa. Sidaas darted Madaxweynaha kuma lamaansanaanayo sharciyo kale iyo hay’ado kale oo waa in toos looga hadlaa oo qoddobada cad cad ee cutubka Madaxweynaha qeexayaa toos loo abbaaraa.Lama sameyn marka Haddaii xilka laga qaadayo ama loo kordhinayo waa in toos loo horgeeyaa Barlamanka. Si loo horgeeyana waa inuu waafaqaa labada ujeeddo ee sharciga loo sameynayo oo kala ah:
- In ujeeddadu tahay in MW waqtiga loo kordhiyo si uu sifo sharci ah ugu jooga (the letter and spirit of the law) oo loola jeedo “ Waxa qoran iyo Waxa loola jeedo). Ma qorna in MW Waqti loo kordhiyey, mana loola jeedin sharcigaas in Madaxweynaha waqti loo kordhiyo.
- Waqtiga sharciga la sameynayey Madaxweyna waqti kama dhicaynin maka labadii ujeedadii ee sharciga ayaa meeshaas ka maqan.
Isku soo duub, sharciga barlamanka loogu dheereeyey oo ay ku lamaansan yihiin hay’adaha dowladda kuma jiro Madaxweynaha, waxaana halkaas ka cad in MW Farmajo uu sharcidarro ku fadhiyo Madaxtooyada dalka maantaba ama uu xooggiisa ku joogo. Qoraalkaan oo aan kala tashanay sharciyaqaano Somali iyo ajnabiba leh oo ku dhadhow beesha caalamka sidaan ayey noo sheegeen sharciga waxaa u shardi ah a) ujeeddada oo ahayd in barlamanka uusan waqtiga ka dhamaan iyo b) In waqtigaas uusan madaxweynah kursigiisu ahayn mid su’aal ka jirto.
Maantana waxaa jirta caqabd kale oo sharciyeed oo ah Sharci cusub looma sameyn karo madaxweynaha waxa kaliya oo hadda la sameyn karaa waa heshiis siyaasadeed Madaxweynihii hore mudane Faramjo ma ogola arinkaas.