MW Lafta Gareen oo u hanjabay qaar kamida madaxda ka soo jeeda DGKG

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo maalinba maalinta ka danbeeysa hub la soo galinaayay magalaada Baydhabo iyo deeganada ku dhaw ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed “Laftagareen”  si kulul uga hadlay dad uu ku sheegay musharraxiin xilal raadinaya oo is hubeynaya.

Waxaa magalaada Baydhabo joogo ciidamo isugu jita Itoobiyaan iyo Soomaaliy kuwaas oo si toos ah uga amar qaata Laftagareen. Madaxweynaga  oo ka hadlaayay munaasabad lagu dhiirrigelinayay ciidamada qalabka sida – oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo – ayaa sheegay in wali ay taallo shaqo badan oo ku aaddan xaqiijinta amaanka.

“Annagoo awalba amniga sugnay ayaa waxaan u baahan nahay in labada gacmoodba lagu shaqeeyo, oo gacanna amniga lagu sugo, shabaab meesha uu joogo looga daba tago, gacanna amniga magaalada lagu sugo, maadaama dad badan ay imaanayaan oo aan aaminsan nahay inay kusoo dhuumaMadaxweyne Laftagreen ayaa halkaas ka sheegay in siyaasiyiinta qaarood “ay is hubeynayaan si ay khalkhal u geliyaan amniga doorashada”. Ma u sheegin magacyada siyaasiintaasi iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintaasi.

Madaxweyne Laftagreen ayaa halkaas ka sheegay in siyaasiyiinta qaarood “ay is hubeynayaan si ay khalkhal u geliyaan amniga doorashada”. Ma u sheegin magacyada siyaasiintaasi iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintaasi.

Hadalka ka soo yeeray lafta Gareen ayaa ah mid cabsi galiyay qaar kamida musharaxiinta iyo mas’uulyiihin horay hogaan uga soo qabtay dalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboeledka Koonfur Galbeed.