Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilkaqadis ku sameyey Wasiirradii Wasaaradaha Warfaafinta iyo Macdanta maamulkaas, isaga oo magacaabay wasiirro cusub.

Wareegto kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Lafta Gareen ayaa Ilyaas Saciid Cali loogu magacaabay wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Bulshada, sidoo kale Suleyman Shuceyb Cali ayaa wareegtadan loogu magacaabay wasiirka Macdanta iyo Batroolka maamulka Koonfur Galbeed.